MUQDISHO (DAYNIILE. COM)-CIidamada Dowlada Somalia ayaa shalay siyaabo kala duwan waxay Magaalada Muqdiaho ugu dileen laba ruux oo shacab ahaa Rabi ha u wada naxariistee.
Mid ka mida dilalkaan ayaa ka dhacay Degmada Kaxda kadib markii askari ka tirsan saldhiga Degmadaasi uu toogtay haweeney uur lahayd oo waliba xaamilo ahayd..
Wararku waxay tilmaamayaan askariga inuu muran afka ah soo kala dhex-galay isaga iyo haweeneyda kadibna uu xabad ku dhuftay sidaasna ku geeriyootay, wuuna baxsaday oo ciidamadu ma soo qaban intaan ka war heyno.
Sidoo kale dilka kale ayaa ka dhacay Degmada Yaaqshiid isla magaalada Muqdisho kadib markii askari Dowlada ka tirsan uu toogtay qof shacaba oo marayay isgoyska Fagax .
Qofka shacabka ee la toogtay ayaa markii hore dhaawac ahaan loo qaaday inkastoo wararka qaar sheegayaan inuu ku dhintay isbitaalka.
Lama yaqaan sababta askarigaani u toogtay ninkaasi shacabka ah, wuuna baxaaday askariga gacan ku dhiiglaha ah.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Advertisement