NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Saraakiil ka tirsan waaxda danbi baarista Kenya ee loo yaqaan DCI-da ayaa ku guuleystay inay soo qabtaan laba nin oo iska dhigeysay inay ka tirsan yihiin waaxdaasi.
labadaan nin oo magacyadoo lagu kala sheegay Nicholas Okoth Owino iyo David Otieno Odhiambo ayaa sameystay kaarka aqoonsiga waaxda danbi baarista oo la farsameeyay islamarkaana aan ahayn kii sada ahaa.
Labada nin waxaa lagu hayaa kiis ah inay qof dhibane ah lacag dhan 200-kun shilinka Kenya ah oo laaluusha ah uga qaateen xili ay isaga dhigayeen baarayaal ka tirsan waaxda DCI-da.
Dhanka kale waxaa labadaani nin ku socota baaritaano dheeraad ah sida inay hore sidaan oo kale lacago laaluush ah ugu qaateen sheegashada waaxda danbi baarista ka hor inta aan maxkaamad la geyn.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM