LAAS-CAANOOD(DAYNIILE.COM)-Magaalada Laas-caanood ee Xarunta Maamulka SSC KHaatumo waxaa aad looga dareemayaa u diyaar garowga soo dhaweynta Ra’iisulwasaaraha Somalia Xamsa Cabdi-Barre.
Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisulwasaaraha ayaa lagu wadaa inuu maalmaha soo socdo booqdo Magaaladaasi isagoona halkaasi kula kulmi doona Hogaaamiyaha SSC Khaatumo C/qaadir Firdhiye iyo qaar ka mida wagaradka Magaaladaasi.
Sawirada Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh iyo Ra’iisulwasaaraha Somalia Xamsa Cabdi-barre ayaa lagu xardhay inta badan laamiyada Magaalada Laas-caanood sida sawirada aad ka arki karto.
Wararka ugu badan ee la isla dhexmarayo ayaa sheegaya in Dowladu qorsheyneyso inay si rasmi ah u aqoonsato Maamulka SSC Khaatumo.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM