LAAS-CAANOOD (DAYNIILE.COM)-Taliska Booliiska Maamulka SSC Khaatumo ayaa xalay soo saaray awaamiir amni taasoo ah bandow la saaray Magaalada sababo ay ku sheegeen sugida amniga Ra’iisulwasaaraha soomaalia oo saaka tagaya Magaaladaasi.
Taliska Booliiska waxay dul dhigeen Magaalada amar ah wixii xalay ka soo bilowda 12-kii saqda dhexe aanay wax gaadiid ah magaalada soo geli karin ,gaar ahaan koontaroolada laga soo galo aysan ka soo gud-bi karin.
Sidoo kale Booliisu waxay mamnuuceen in gaadiidka iyo mooto bajaajta aaney mari karin wadada wadnaha ilaa iyo amar danbe ,wadadaan ayaa isku xirta garoonka diyaaradaha ilaa madaxtooyada SSC Khaatumo.
Taliyaha oo awaamiirta akhrinayay ayaa shaaciyay in kaliya wadada wadnaha loo ogol yahay gaadiidka maamulka gaar ahaan kuwa ka shaqeynaya soo dhaweynta Ra’iisulwasaaraha,waxaana gabi ahaanba dhaq dhaqaaqa loo diiday gaadiidka shacabka.
Taliyaha wuxuu carabka ku adkeeyay inay awaamiirtaani usoo rogeen sugida amniga wafdiga Ra’iisulwasaaraha, wuxuuna ka codsaday shacabka reer Laas-caanood inay u hogaansamaan awaamiirta oo ay fuliyan.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM