Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir ayaa maanta shir guddoomiyey kulan muhiim ah oo ay ka soo qayb galeen saraakiisha hay’adaha amniga ee ka howlgala Caasimadda, kuwaas oo ay ku jireen Boliiska, Nabad Sugidda (NISA), iyo Booliska Militariga.
Shirkan ayaa lagu gorfeeyey sidii loo xoojin lahaa amniga Caasimadda, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray xakameynta hubka sharci-darrada ah, la dagaallanka maandooriyaha, iyo ka hortagga falalka burcadda ee keena amni-darro.
Waxaa sidoo kale laga wada hadlay hababka lagu horumarin karo wada shaqaynta hay’adaha amniga iyo bulshada si loo xaqiijiyo jawi nabadeed oo waara.
Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir ayaa uga mahadceliyey shacabka ku nool Caasimadda sida ay ugu garab taagan yihiin ciidamada amniga iyo kaalinta muuqata ee ay ka qaataan sugidda nabadda.
Wuxuu ku booriyey saraakiisha iyo ciidamadooda inay sii wadaan dadaallada joogtada ah ee lagu ilaalinayo amniga guud ee magaalada.
Kulanka ayaa lagu soo gabagabeeyey go’aamo muhiim ah oo la xiriira iskaashiga hay’adaha amniga, qorsheyaasha lagu yareynayo falalka sharci-darrada ah, iyo dardargelinta howlgalada amni ee ka socda Muqdisho.