MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Dowlada Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay howlgalka ama ciidamada badali doona kuwa ATMIS iyo qaabka uu noqonayo howlgalka cusub iyo wuxuu uga duwanaan doono howlgalka hadda shaqeeya ee ATMIS.

Howlgalka ATMIS ayaa lagu wadaa inuu soo dhamaado bishaan December dhamaadkeeda markaasoo asakariga ugu danbeeya ee ATMIS uu faarujin doona Somalia xili Ciidamada Qarannka Soomaaliyeedna ay hadaba inta badan amniga Dalka iyagu maamulaan.

Advertisement

La ta;iyaha Madaxweynaha ee dhanka Amniga xuiseen Sheekh Cali ayaa faah-faahin ka bixiyay howlgalka cusub ee badeli doona midka ATMIS.

La taliyaha wuxuu sheegay in marka ay baxaan kuwa ATMIS ay soo badeli doonaan ciidamo cusub oo ka socda Midowga Afrika kuwaasoo tiradoodu tahay 10-kun ilaa 12 kun askari oo ay la howlgeli doonaan tira la eg oo ka mida kuwa Xoogga Somalia.

Masuulkaani wuxuu xusay in howlgalkaani cusub uu shaqeyjn doono waqti kooban oo cayiman intaasna ay Ciidamada Milatariga Somalia la shaqeyn doonaan.

Mar uu ka hadlaayay dalalka ciidamada keeni doona inay Itoobiya ku jirto iyo inkale ayuu ka gaabsaday walow uu si marka loo eegana uu shuruud ku xirey.

“arinta yaa ka mid noqonaya dalalka ciidamada soo diraya ma rabo inaan ku noqdo arinta itoobiyaanka waa howl noo calaqan oo go’ankeeda ay maalmo ka dhiman yihiin sida ay noqon doonto, waxay ku xirnaan doontaa siyaasada hada inay ka noqdeen howshaasi iyo inkale  iyada fahfaahinteeda inaan ku noqdo ma rabo balse waa arin go’aankeeda inay nala yihiin midowga Afrika iyo QM balse go’aanka u danbeeya dalka ka mid noqonaya waxaa leh Dowlada Somalia”

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here