Muqdisho Agoosto 14, 2024: Guddiga Madaxabannaan Ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa guddiga qaabilsan dib u eegista dastuurka ku qaabilay xafiiska Amniga Qaranka oo uu hoggaaminayo Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Xuseen Macalin.

Wuxuuna ka dhageystay aragtiyo ku saabsan Axkaamta la xiriirta Amniga ee dib-u-eegista Dastuurka oo ka mid ah cutubyada ay ka shaqeynayaan Guddiga Madaxabannaan ee Dastuurka.

Advertisement

Guddoonka labada Guddi waxay u mahadceliyeen Lataliyaha iyo xafiiskiisa diyaarinta talooyinkan ku fadhiya cilmibaarisyo iyo Heshiisyada siyaasadeed ee la xiriirta dib-u-eegista Dastuurka.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here