MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Xuseen Macallin La-taliyaha dhanka Amniga ee Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si weyn u beeniyay warar aad u faafay oo sheegaya in Dowladu wada-hadalo la galeyso Dagaal yahanada Soomaaliyeed ee Alshabaab islamarkaana Dowlada Qatar ay dhex dhexaadineyso.

Warkaan waxaa dhawaan laga maqlay Madaxweynaha laakiin La-taliyihiisa Xuseen Macalin wuxuu carabka ku adkeeyay inuu Madaxweynuhu ula jeeday marka ay ka tanaasulaan xag-jirniamda.

Advertisement

” Ma jirto cid waa-hadal la galeysa Alshabaab, xitaa waqti dhaw, madaxweyanaha Qaranku wuxuu ula jeeday markey ka tanaasulaan xag-jirnimada”ayuu yiri la-taliye Xuseen.

La taliyaha ayaa mar uu sii sharaxayay waxyaabaha kale oo laga rabo alshabaab hadii ay doonayaan wadahadal wuxuuna tilmaamay inay dhamaan ka tanaasulaan fikirkooda, inay aqbalaan midnimada dhuleed ee Dalka,inay gabi ahaanba xiriirka u jaraan xajiriinta caalamka .

lama oga inay Alshabaab aqbali doonaan shuruudaha uu soo bandhigay la-taliyaha Madaxweynaha ee dhanka Amniga walow aysanba ka hadlin wararkaan sheegaya in masuuliyiin iyaga ah ay tagayaan dalka Qatar taasoo baraha bulshada lagu baahiyay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement