Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee dalka Uganda Mudane Cabdilatiif Maxamuud Cali ayaa maanta kulan kula qaatay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Uganda Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Gen. Jeje Odongo Abubakar

Ugu horeyntii Siihayaha Safaaradda ayaa Wasiirka uga mahad celiyay kaalinta dowladda Uganda ka qaadanayso dowlad dhiska Soomaaliya iyo sidoo kale sida dowladda Uganda albaabadeeda ugu furtay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Uganda ku nool.

Mudane Cabdilatiif, ayaa Wasiirka u sheegay in ay jiraan caqabado lasoo gudboonaaday Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Uganda ku nool taasoo ay ka mid tahay in Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Uganda ay dhowr jeer xirxireen muwaadiniin Soomaaliyeed oo Kampala ku nool iyagoo ku sababeeyay in aanay sharci deganaasho ku joogin dalka, waxaana la ogyahay in muddo labo sano ku dhaw ay xiran tahay xaruntii laga diiwaan gelin jiray dadka qaxootiga soo galootiga ah, iyadoo kaarka qaxootiga qofka haystaa uu la mid yahay isagoo sharci deganaasho leh oo kale, Soomaalida badankeeda ayaa ku jooga dalka Uganda aqoonsiga qaxootiga, siihayaha ayaa codsaday in arrintaas wax laga qabto.

Advertisement

Arrinka labaad ee uu Siihayaha Safaaradda ka hadlay ayaa ahaa in hay’adaha Waxbarashada dalka Uganda looga baahan yahay inay dhaqan geliyaan Barotokoolada wadamada Ururka Dhaqaalaha iyo Iskaashiga dalalka Bariga Afrika (EAC) ee khuseeya arrimaha Waxbarashada si ardayda Soomaaliyeed u helaan xuquuq la mid ah ardayda ee dalalka Bariga Afrika.

Sidoo kale Siihayaha ayaa wasiirka ka codsaday in muwaadiniinta Soomaaliyeed ee imanaya dalkan Uganda ay dalkugal-ka (Visas) ka qaataan airport-ka iyo xuduudaha dalka markay soo gaaraan oo laga dhaafo dalabka Visa-ha si loo fududeeyo isu socodka dadka labada dal.

Ugu dambeyntii Siihaye Cabdilatiif Maxamuud ayaa wasiirka u sheegay in ay diyaar u yihiin fulinta heshiisyadii labada Wasaaradood ay horay u gaareen ee xagga tababarada diblumaasiyiinta iyo karti dhiska shaqaalaha, taasoo qeyb ka ahayd isfahmkii (MoU) horay ay u kala saxiixdeen labada dal, isagoo siihayuhu la socodsiiyay wasiirka in shirka guddiyada wadajirka ah ee labada dal (Joint Permanent Commission) Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee DFS ay qabanqaabadiisa waddo laguna qaban doono magaalada Muqdisho bisha Oktoobar ee nagu soo aadan 2024.

Dhankiisa Wasiir Gen. Jeje Odongo Abubakar, ayaa sheegay in labada arrin ee kala ah Visa la’aanta iyo arrinka ah in ardayda Soomaaliyeed loola tacaamulo sida kuwa ka yimaada Wadamada Ururka Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Bariga Afrika ay tahay laba arrimood oo ay xaq u leeyihiin muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Arrinka qaxootiga ayuu sheegay in uu dabagal ku sameynayo kalana hadlayo hay’adaha ay khusayso sida Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Hay’adda Socdaalka, Wasaaradda Arrimaha Qaxootiga iyo Xafiisk Raysul-Wasaaraha Uganda, si dhaqso ahna ula xariirayo hay’adahaas waxii jawaab ahna dhawaan safaaradda lasoo gaarsiin doono.

Wasiirka ayaa sidoo kale balan qaaday in la fulin doono isfahamyadii horey ay u kala saxiixdeen labada Wasaaradood oo ay ku jirto iswaydaarsiga khibradaha iyo tababarada diblomaasiyadeed ee shaqaalaha arrimaha dibadda labada dal, dhawaanna ay soo saari doonaan qorshaha fulinta barnaamijkaan.
May be an image of 2 people, dais, newsroom and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here