Siyaasiga Xildhibaan C/raxmaan C/shukuur ayaa bartiisa Facebook wuxuu ku soo qorey warhixin uu kaga hadlaayo mid ka mida masuuliyiintii ka tirsanaa 5-tii Golaha sare ee Dowladii Maxamed Siyaad Barre kaasoo sirdoonkii Ruushku ama Midowgii Soofiyeeti ka shifeen inuu iyaga basaas u ahaan jirey xili magac gaar ahna ay ula baxeen.

Qoraalka Xildhibaan C/raxmaan C/shukuur ayaa sidaan u qornaa:-

Advertisement

Qoraallo kala duwan iyo keydka sirdoonka Midowgii Soofiyeet waxaa ku xusan ereyga KERL oo ah magac afgarad ah oo ay sirdoonka Soofiyeetka u bixiyeen masuul sare oo dowladdii Soomaaliya xil wayn ka hayey, aadna ugu dhowaa AUN Madaxweyne Maxamad Siyaad Barre, kana mid ahaa saraakiishii ku lugta lahaa inqilaabka Soomaaliya ka dhacay bishii Oktoobar ee sanadkii 1969-kii.

Sida ay sheegeen KERL wuxuu xogta inqilaabka inta uusan dhicin la wadaagay safaaradda Soofiyeetka ee Muqdisho. Waxay ku tilmaameen qof ay kaga kalsooni badnaayeen Madaxweynaha. Wuxuu ahaa qofka ugu badan oo ay ka helaan xogta. Waxay kaloo sheegeen in uu ahaa ninka Madaxweynaha ku qanciyey in la eryo Peace Corps kii Ameerikaanka iyo kala bar shaqaaalaha safaaradda, Soofiyeetkana saldhig ciidan badeed Berbera laga siiyo.

Wuxuu kaloo ka shaqeeyey in xog la xariirta tikloonajiyada Milateriga Maraykanka oo uu Talyaaniga ka helay u gudbiyey Soofiyeetka.

Wuxuu kaloo sida ay sirdoonka soofiyeetku sheegeen u gudbin jiray xogta kulamada uu qaybta ka yahay ee dowladda Soomaaliya iyo madaxda dowladaha kale dhexmara. Waxaa ka mid ah kulan uu Kornayl Qadaafi lala yeeshay.

Dhanka kale, wuxuu kala shaqayn jiray la socdka dhadhaqaaqa diblomaasiyiinta Marayaknka, isagoo gacan ka gaystay in 5 ka mid ah dalka laga eryo, joojinaya Maraakiib dagaal Maraykan oo booqasho ku imaan lahaa Soomaaliya.

Waxay kaloo sheegeen in Kerl uu aydiyoolajiyad ahaan u aaminsanaa nidaamka Hantiwadaagga, haddana dhuuni kama marnayn basaasnimadkiisa oo markii uu soo xaday sirta tiknoolajiyada milateriga Maraykanka, waxaa lagu abaalmariyey $5kun oo doolar iyo in lala kulansiiyo madaxda KGB, Andropov, ku xigeenkiisa Semyon Tsvigun, iyo hoggaamiyihii Soofiyeetka Brezhnev.

Inkastoo aysan Soofiyeetku dibadda soo dhigin magaca rasmiga ah ee shakhsiyada KERL, haddana markii aad isla aqriso qoraallada, warbixinnada iyo kaydadka sirdoonka kala duwan waxaa kuu soo baxaysa in uu ka mid ahaa shanta Golaha Sare ee Kacaanka. Ma rabo in aan ku danbaabo, laakiin qof ayuu iila muuqday.

Xilligaa oo ay awoodda dolwadnimadu xoogga lahayd, dadnimaduna jirtay, basaasiinta KERL oo kale waa ay is qarin jireen, laakiin maanta waxaa maqlaysaa Madaxdii dalka oo leh hebel lagama tegi karo oo dowlad hebel ayaa xanaaqaysa, iyo hebel dowlad hebel ayaa martigelisay oo biilkiisa iyo masruufka caruurtiisa bixisa, ama dhul ayaa dowlad hebel siisay. Sariig qaran iyo mid umadeedba midna ma jiro.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here