KISMAAYO (DAYNIILE.COM)-Kumandooska Danab ee Xoogga Dalka ayaa la soo sheegayaa inay maanta duulaan ku qaadeen dagaalyahano ka tirsan Alshabab oo ku sugnaa tuulada Xaliimo-cadey oo u dhow deegaanka Buulo-Xaaji ee Gobolka Jubbada Hoose.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in kumaandooska Danab guulo ka gaareen weerarka ay qaadeen,war dhanka Dowlada laga helay ayaa sheegaya in Kumandooska Danab ay bur buriyeen fariisimihii Alshabaab halkaasi ku lahaayeen.

Sidoo kale Kumaandooska Danab waxay dagaalka ku dileen  tiro ka mida dagaalamayaashii Alshabaab,sidoo kalana ay hub ka soo furteen sida warbaahinta Dowlada lagu faafiyay.

Warbaahinta Dowlada waxaa lagu soo  bandhigay sawirada hubkii Alshabaab ay ka soo qabsadeen ciidamada Kumaandooska Danab.
maalmo ka hor ayay ahayd markii weerar Alshabaab ku soo qaadeen deegaanka Buulo-xaaji oo 80KM u jirta Kismaayo balse aad loogu jabiyay, meydad badan ayay soo bandhigeen maamulka Jublanad iyo dowlada Faderalka.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
No photo description available.May be an image of campsiteMay be an image of textNo photo description available.
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here