Muqdisho, Oktoobar 30, 2024 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa caawa kulan casho sharaf ah la qaatay Guddoonka iyo Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isagoo gudbiyey codsi ku saabsan kulan gaar ah oo uu ku hortagayo fadhiga Baarlamaanka.
Munaasabadda caawa waxaa ka qeyb-galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, iyo kuxigeennadiisa, iyo Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada; Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye; Koonfur-galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed; iyo Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey Madaxda Dowlad-goboleedyada ka qayb-galay Madasha Wadatashiga Qaranka, taasoo lagaga arrinsanayo aayaha iyo horumarka dalkeenna, gaar ahaan dhammaystirka dib-u-xoreynta deegaannada gacanta argagixisada ku jira, adkaynta amniga, dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka Sida, iyo xaqiijinta himilada shacabka Soomaaliyeed ee doorashada hoggaankooda.
“Walaalaheen naga aragtida duwan waa la hadlaynaa; haddii ay noo ogolaadaan waan u tagayaa, haddii kalena way noo imaanayaan.
Wadajir iyo midnimo ayaan rabaa. Maanta dadkeenna waxaa u furan fursad weyn oo ay ku gaari karaan rajadooda, waxaana si wadajir ah uga shaqeynaynaa adkaynta amniga dalka, dhammaystirka dib-u-xoreynta deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisadu, iyo xaqiijinta Soomaaliyada ay inaga sugayaan shacabkeennu”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xusay doorka muhiimka ah ee ay Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya qaateen muddadii la soo dhaafay, iyagoo dhexda u xirtay qabyo-tirka dastuurka, difaaca iyo adkeynta midnimada dalka, waxa uuna adkeeyey rajada shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan horumarinta dowladnimada.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Abdikadir Ali Dige,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
May be an image of 1 person and daisMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 1 person, beard, glasses and suitMay be an image of 7 people and daisMay be an image of 4 people, people smiling and daisMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 7 people, dais and textMay be an image of 8 people, lighting and daisMay be an image of 7 people, dais and textMay be an image of 7 people, table, dais and textMay be an image of 7 people, table and weddingMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 6 people and daisMay be an image of 6 people, table and suitMay be an image of 7 people, table and lightingMay be an image of 7 people, dais and textNo photo description available.May be an image of 4 people, table, dais and textMay be an image of 10 people, table, dais and textMay be an image of 6 people, table and weddingMay be an image of 7 people, table and weddingMay be an image of 14 people, table and dais
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here