HomeWarkiiKulankii Gudiga ee Baarlamaanka oo lagu dhaariyay Wasiiro dhawaan la magacaabay

Kulankii Gudiga ee Baarlamaanka oo lagu dhaariyay Wasiiro dhawaan la magacaabay

May be an image of 5 people, dais and textMuqdisho-Soomaaliya 10,April, 2025: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada oo oo ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa.
Ugu horeyn Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) ayaa kulanka ku dhaariyay xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ee dhowaan la magacabay.
Intaasi ka dib xubnaha Guddiga Joogtada ayaa ka dooday jadwaleynta shuruucda horutebinta u leh Golaha Shacabka kuwaas oo la horgeynayo todobaadka soo socda, waxaana guddi walba uu faahfaahin ka bixiyay shuruucda uu gacanta ku haayo, heerarka ay marayaan iyo sidoo kale xiliga la horgeynayo kulamada guud ee Golaha.
Ugu dambeyn Guddiga Joogtada ayaa isku raacay in maalinta isniinta ee socota ay dib u bilaaban doonaan kulamada guud ee Golaha Shacabka.
DHAMMAAD.
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta ee Golaha Shacabka BJFS.
Ibraahim Guudle IsxaaqMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 6 people and textMay be an image of 7 people, dais and text that says "ነስ"May be an image of 2 people and beardMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 1 person and newsroomMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 2 people
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -