MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Kulankii maanta ay lahaayeen Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa buuq iyo fowdo ku soo dhamaaday kadib markii xildhibaanada qaar laga diiday mooshin ay ka wadeen go’aankii xubinimada baarlamaanka looga xayuubshay Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib .
Xildhibaanadaan oo diidmo ka muujiyay in xubinimadiisa loo diido Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ayaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Aadan Madoobe waxay rabeen inay u gudbiyaan mooshin balse wuu ka diiday taasoo mar kaliya buuq gelisay fadhigii baarlamaanka taasoo keentay ugu dambeyn in lagu kala tago maanta.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sh. Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa sababta uu u diiday mooshinkaasi ku sheegay inuu yahay mid sharci daro ah islamarkaana mooshinkaasi in lan qabto ay ka hor imaneyso xeer- hoosaadka baarlamaanka halka xildhibaanada keenay iyaguna daliishanayaan qodobo dastuurka ka mida.
ayaa ku tilmaamay mooshinka mid sharci-darro ah, isagoo sheegay in qabashadiisu ay ka hor imanayso xeer- hoosaadka baarlamaanka, isla markaana ay keeni karto mas’uuliyad dambi ku ah isaga.
Gudoomiyaha wuxuu sidoo kale Xildhibaanada mooshinkaani waday oo u badan kuwa Dowlada mucaaradka ku ah uu ku eedeeyay inay buuq ku fureen fadhiga baarlamaanka ayna soo dedejisay in shirkii baarlamanku baaqdo maanta.
Dhanka kale Xildhibaanada mooshinka waday oo shirka kladib la hadlay saxaafada ayaa sheegay in Gudoomiyaha Baarlamaanka ay ka keenayan mooshin xil ka qaadis kadib sida ay sheegeen markuu ka hor yimid nidaamkii baarlamaanka iyo xaqii ay u lahaayeen inay mooshin soo gud-bin karaan.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM