MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa madaxtooyada kula shiray Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Galmudug, koofur-Galbeed iyo Hirshabelle waxayna si gaar ah uga wada hadleen dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.
Madaxweyne Xassan ayaa madaxdaan ka dhageystay warbixinada dagaalada ka dhanka ah alshabaab iyo deegaanada ay maamulaan iyadoo mid mid ay uga warbixiyeen.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka dalbaday madaxdaan in si dhab ah la isaga kaashto dagaalka Alshabaab ay doonayaan inay dalka kaga saaraan guud ahaan.
Waxay isla garteen in la wada wajao alshabaab si looga adkaado ,islamarkaana wada shaqeyn la muujiyo, waxay isla bogaadiyeen ciidamada xooga iyo kuwa macawisleyda ee dhiigooda u huraya dalkooda,dadkooda iyo diintooda.
Dhanka kale lama yaqaan in madaxda maamul goboleedyada loogu yeeray arimaha dagaalka oo kaliya iyo inay jirto arimo siyaasadeed kale sida shirka la filayo in madaxweynuhu ku casuumo saamileyda siyaasada iyo maamul goboleedyada dhamaan oo ka hor qabsoomadiisa lagala sii tashano sida madaxweynuhu gogoshaasi u dhigaayo.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM