MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Kulan ay Muqdisho ku yeesheen siyaasiyijbta, waxgaradka iyo shacabka  Beesha Daarood ee ku dhaqan Magaalada Muqdisho ayaa sj weyn u taageeray qorshaha Dowlada ee ah doorashooyinka soo socda uu noqdo mid dadku doortaan hogaanka dalka.

Shirkaan waxaa soo qaban qaabisay Gudoomiyaha Degmada C/casiis ee Magaalada Muqdisho Ubax Saalax Ugaas taasoo muujisay sida reerku diyaar ugu yihiin taageerada iyo ka qeybqaadashada doorashooyinka qof iyo cod

Advertisement

Gudoomiye Ubax saalax Ugaas waxay sivgaar ah u xustay in Shacajka Beeshu diyaar u yihiin ka qeybgalka doorashooyinka Golaha deegaanka ee Gobolka Banaadir ka dhaceysa.

Wasiirada,Xildhibaanada iyo qeybaha bulshada ee Beesha Daarood waxay isla garteen taageerada ay u hayaan doorashooyinka dhici doona ee qof iyo cid.

Kulankaan intuu socday waxaa lagu meel mariyay gudiga guurtida beesha daarood ee gobolka Banaadir kuwaa oo ka kooban ( kow iyo labaatan xubnood.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here