Xildhibaan Cabdullahi Aadan Kulane oo loo yaqaano (Kulane Jiis) ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya inuu shidaalkii Somalia u iibgeynayo dalka dibadiisa.
Kulane Jiis wuxuu xusay in dhowrkii mar ee Madaxweynuhu isaga daba laalaabtay Kenya uu ku howlanaa iib-geynta shidaalka Sioomaaliya.
“Madaxweyne Xasan Sheekh shidaalka Somalia ayuu suuqa madow ku iib-geeyaa waana laga qariyay baralamanka iyo shacabka Somaliyeed” ayuu yiri Xildhibaan Kulane Jiis oo ka tirsan xisbiga Nabad iyo Nolal ee Farmaajo uu hogaamiyo.
Madaama Xildhibaankaan ku jiro mucaaradka Dowlada hada hogaanka heysa ayaan la ogeyn warkiisa inuu sax yahay iyo inkale waxaase suurtagal ah inuu isaga daalac loo raacdo madaama uu madaxweynihii qaranka eedeyn u jeedinaayo.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here