NEW YORK (DAYNIILE.COM)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalalka Soomaaliya,Masar iyo Eritrea ayaa kulan gaar ah waxay ku yeesheen Magaalada New York ee Dalka Mareykanka halkaasoo ay u wada tageen ka qeybgalka shirka Qaramada Midoobe balse si gaar ah ayay isu arkeen.
Kulankaan oo u eg isbahaysi ka dhan ah Itoobiya ayay wasiiradaani waxay ku lafa gureen calaaqaadka sadexda Dal oo dhamaantood mid kasta dalkiisu cadaawad kala dhexeyso Itoobiya.
Sida uu sheegay TV-ga Qaranka Somalia wasiiradaani ayaa ka wada hadlay qorshaha iskudubarid heer sare ah iyo rabitaanka siyaasadeed ee 3-da dal, si loo gaaro yoolalka iyo danaha ay wadaagaan Soomaaliya, Masar iyo Eritrea.
Wasiirada arimaha dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somalia Axmed Macalin Fiqi, Masar Osman Saleh iyo  Eritrea Badr Abdelatty ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka uga qayb gelaya kulanka 79-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of 2 people
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here