NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya iyo qaar ka mida Golihiisa Wasiirada ayaa caawa xaflad soo dhaweyn ah waxaa loogu sameeyay xaafada Islii-Nairobi ee Xarunta Kenya.

Xaflada waxaa lagu qabtay BBS Mall oo ku yaal Xaafada Islii oo ah halka ay Soomaalidu ugu badan tahay marka la eego Caasimada Nairobi.

Advertisement

Ra’iisulwasaaraha oo maalmihii ugu dannbeysay ku sugnaa Nairobi ayaa shirar kala duwan ka qeybgalay isagoon ugu danbeyn xalay la kulmay jaaliyada Soomaalida sidoo kalana caawa ku soo qatimay socdaalkiisa inuu reer Islii soo dhexgalay kadibna khudbad jeediyay.

Xamze Cabdi-Barre ayaa kaga mahadceliyay shacabka Somliyeed sida ay  caawa ugu soo dhaweeyeen xaafada Islii iyadoo boqolaaal shacaba ay isugu yimaadeen BBS Mall si ay uga qeybgalaan soo dhaweyntiisa.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

No description available.No description available.No description available.No description available.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here