Xarunta dhexe ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA, ayaa marti-galisay kulan si bille ah loogu gorfeeyo xaaladaha bani’aadannimo ee dalkeenna, kaasoo dhex maray Hay’adda SoDMA, Xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini’aadannimada (OCHA) iyo Barnaamijka horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP).

Kulankaan waxaa si wadajir ah u shir guddoomiyay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Maxamuud Macallin Cabdulle iyo ku-xigeenka ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay George Conwey, waxaana diiradda lagu saaray sidii loogu diyaar-garoobi lahaa shirka madasha arrimaha bani’aadannimada (CHF) ee dhawaan lagu wado inuu qabsoomo, sidii dhaqaale soo kabasho loogu aruuri lahaa dadkii ay wax-yeelleysay saameynti El-nino iyo qorshaha ku aaddan abaarta La-nina.

Sidoo kale qodobbada laga wada hadlay waxaa kamid ah sidii loo garab istaagi lahaa dadka uu saameeyay dab xooggan oo dhawaan ka kacay Suuqa Hanti-wadaag ee magaalada Jowhar, kaasoo baabi’iyay 900 oo goobo ganacsi ah, burburiyay dhaqaale dhan $1.5 milyan ilaa $2 milyan, isla-markaana wax-yeelleeyay hab-nololeedka 5,000 oo qoys.
May be an image of 5 peopleMay be an image of 6 people, newsroom and textMay be an image of 6 peopleMay be an image of 6 people, newsroom and textMay be an image of 3 people, newsroom, dais and textMay be an image of 2 people, suit and grassMay be an image of 2 people and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here