Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda XFS ahna kusimaha Wasiirka, Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange iyo Agaasimaha Guud ee dakhliga mudane Faysal Maxamed Xaashi ayaa maanta shir muhiim ah Xarunta Wasaaradda Maaliyadda waxa ay kula qaateen Maamulayaasha iyo Agaasimeyaasha Isbitaalada Magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sida canshuurta gadista ay u saameysay adeegyada caafimad ee ay bixiyaan Isbitaalada magaalada iyo in Dowladda ay siiso tixgalin gaar ah xarumaha caafimadka si lamid ah wadamada ku bahoobay Bulshada Bariga Africa.

Masuuliyiintii Wasaaradda Maaliyadda ee kulanka goobjooga ka ahaa ayaa dhankooda balan qaaday in ay howshan si cilmiyeysan u eegayaan, iyada oo la siinayo bahda caafimaadka tixgalinta ay mudanyihiin, kulankuna waxa uu ku soo dhamaaday is-afgarad.
May be an image of 2 people and newsroomMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 7 people and textMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 4 people, newsroom and daisMay be an image of 11 people, dais and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here