Jowhar, 10-August-2024: Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), Guddoomiyaha Barlamaanka Mudane Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed, Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Xasan Cusmaan, Xubno ka kala tirsan Golaha Wasiiradda, Baarlamaanka, Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan iyo Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida ayaa ka qeyb galay munaasabad soo dhaweyn oo Golaha Deegaanka Jowhar ay u sameeyeen Wafdigii Madaxweynaha.

Guddoomiyaha Degmada Jowhar ahna Duqa magaalada Mudane Cusmaan Baareey ayaa Madaxweynaha iyo wafdigiisa caasimada kusoo dhaweeyay.

Munasaabadda caawa waxaa kaalin wacyigelin oo weyn ka qaatay Fannaaniinta Nimcaan Hilaac, Iqra Happy, Xuseen Nuurriyoow, Cabdifataax Indho-caashaq, Abwaan Xayir Cali Rooble iyo Barbaarta Gaashaaman.

“Golaha Deegaanka Degmada Jowhar waa ku mahadsan yihiin soo dhaweynta ay wafdigeyga u sameeyeen. Dhammaan intii igala qeyb gashay safarkii shaqo ee qaatay muddada 21-ka maalin.”

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa safar shaqo ku maray Warsheekh, Raagge-Ceelle, Cadalle, Masaajid Cali Gaduud, Al-Kowsar, Aadan-Yabaal, Moqokori, Tardo, Jalalqsi, Ceel-Baraf, Biyo-Cadde, Mahadaay iyo Jowhar.

DHAMMAAD
Wixii faah-faahin ah kala xiriir
Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada Madaxtooyadda
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here