Sida lagu shaaciyay warbaahinta Dowlada Somalia Kulan looga hadlayey dardargelinta howlaha baarista iyo horgeynta cadaaladda dacwadaha la xiriira canshuuraha iyo dhaqaalaha ayaa ka qabsoomay Taliska laanta dhexe ee ilaalinta canshuuraha iyo dhaqaalaha ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Ku xigeenada xeer ilaaliyaha guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Taliyaha hoggaanka laanta dhexe ee ilaalinta Canshuuraha iyo Dhaqaalaha General Cabdullaahi Xassan Bariise iyo Taliyaha laanta dhexe ee Canshuuraha G/sare Mahad Cabdi Cumar ayaa kulanka ka qeyb-galay.
Saraakiishaan ayaa isla meel dhigay in wada shaqeynta la xoojiyo, si loo dardargeliyo maxkamadaynta shakhsiyaadka caadaystay in aysan sida sharciga waaqafsan u bixin canshuuraha ku waajibay.































Advertisement