MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Dowlada Somalia ayaa Maanta Muqdisho ku qabatay kulan loogu magac daray Mahadcelinta iyo Abaalmarinta Canshuur bixiyaasha,waxaana ka soo qeyb-galay masuuliyiin kala duwan iyo qeybaha bulshada qaarkood.

Maareeyaha Dekada Muqdisho Cabdullaahi Abshir Shariif oo ka hadlay munaasabadaan ayaa ku amaanay canshuur bixiyayaasha sida ay dalkooda ugu hiiliyeen.

Advertisement

“Waxaan u mahadcelinayaa Canshuurbiyaasha oo qayb weyn ka qaatay dib u dhiska dalka, sida Xukuumadda Dan Qaran talada dalka u timid waxaa lagu guulaystey in Shaqaalaha dowlada mushaarkooda in aysan kab u baahan.”ayuu yiri Maareeyaha Dekada Muqdisho

Agaasimaha Guud ee Agaasinka Waaxda Dakhliga Feysal Maxamed Xaashi ayaa munaasabada ka sheegay in maanta la isugu yimid u mahadcelinta Canshuur bixiyaasha.

Guddoomiyaha Midowga Isbitaalada gaarka looleeyahay Saalax Maxamed Maalin ayaa isna hadalo kooban ka jeediyay munaasabadaan wuxuuna soo qaatay taariikhda isagoona xusay inuu ilaa heer Jamacaddeed lacag la’aan uu wax ku soo bartay,islamarkaana lagu gaari karo iskaashi Somaliweyn.

Sidoo kale waxaa isna goobta ka hadlay Agaasimaha Furdooyinka Abuukar Sheekh Axmed kaasoo ka hadlay canshuurtu asal ahaan halkii ay ka timid.

“Canshuurtu waxa ay asal ahaan ka timid sekada, waxaan soo wadnaa system ganacsatada u fududaynaya in ay dowlada kula xisaabtamaan Canshuurta ay dhiibaan.” ayuu yiri Agaasimaha Furdooyinka.

Ugu dambeyn Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumada Soomaaliya  Cabdiqafaar Xaange ayaa soo xiray munaasabadda lagu abaal-marinayay ganacsatada sida wanaagsan Canshuurta u bixiyay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here