Muqdisho, 09 August 2024: Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan Duco iyo Quraan Aqris ah ugu sameeyay Shuhadadii Todobaadkii hore ay Kooxaha Khawaarijta ku xasuuqeeen xeebta Liido ee Degmada Cabdicasiis.
Boqolaal ka tirsan Howlwadeenada G/Banaadir iyo Bulshada Caasimadda ayaa Salaada Jimco ku tukaday barxada Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar. Waxaana Khudbada Salaada Jimco lagu soo qaatay sida ay Diinteena suuban u xaaran-tameesay in Naf bini-aadam ah la gooyo iyo in falalka guracan ay kooxaha Khawaarijta marnaba aysan ka turjumeynin Diinta Islaamka.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa salaada kadib markale si kulul ugu hadlay falalka guracan oo ay Kooxaha Khawaarijta ku beegsato shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan, waxa uuna halkaasi ugu duceeyay Dalka, Dadka, Shuhadada, Inta dhaawaca ah iyo guud ahaan muslimiinta dunida.
—𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃—
Advertisement