Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adda Cunnada Adduunka WFP ee QM, oo uu horkacayay madaxa WFP Soomaaliya El-Khidir Daloum.

Kulankan ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka labada hay’adood, sidii loo xaqiijin lahaa in lala dagaalamo leexsashada gargaarka bini’aadannimo iyo in la hubiyo in gargaarku si hufan u gaaro dadkii mudnaa ee loogu talagalay.

Guddoomiye Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa uga mahadceliyay hay’adda WFP wada shaqeynta wanaagsan ee kala dhaxeeysa SoDMA, dadaalka aan hagarta lahayn ee ay dalka ka waddo iyo guulihii taariikhiga ahaa ee labada dhinac wada gareen.
May be an image of 3 people and people studyingMay be an image of 12 people, people studying and textMay be an image of 6 people and textMay be an image of 2 people, people studying and textMay be an image of 7 people and textMay be an image of 5 people, people studying, dais, newsroom and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here