Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraad ka Biyaha XFS Xildhibaan Cabdullaahi Bidhaan ayaa Xafiiskisa ku qaabilay madaxa Hay’adda (UNICEF) Marwo Wafaa Saeed iyo Wasiirka Wasaaradda Tamarta Biyaha iyo Macdanta Maamulka KMG SSC-Khaatumo Cali Warsame.

Wasiirka Tamarta iyo khayaraadka Biyaha XFS Md. Abdullaahi Bidhaan Warsame ayaa Marwo Wafaa Saeed kala hadlay sidii Hay’adda (UNICEF) Mashaariic horumarineed ugaarsiin la hayeen Maamulka KMG ee SSC-khaatumo.

Advertisement

Wasiirka Tamarta Biyaha iyo Macdanta Maamulka KMG SSC-khaatumo Cali Warsame ayaa ka warbixiyey baahiyaha deegaanka ka jira, isagoo xoojiyey in la dardargeliyo mashaariicda dhanka biyaha ee ay fulintooda iska kaashadaan Haya’adda UNICEF iyo Wasaaradda Tamarta XFS.

dhinaca kale madaxa Hay’adda (UNICEF) Marwa Wafaa Saeed ayaa soo dhawaysey kulan iyado ballan qaadey inay la shaqayn donaan Maamulka KMG ee SSC-khaatumo.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here