ADIS-ABABA (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Dalka Itoobiya ayaa sheegaya in caasimada dalkaasi ee adis-ababa ay ku kulmeen Madaxweyne xigeenka Maamulka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan iyo Taliyaha guud ee ciidamada Itoobiya Field Marshal Birhanu Jula.
Inkastoo aan la ogeyn waxa ay sida dhabta ah uga wada hadleen ayaa hadana wararka qaar ee warbaahintu heshay waxaa ka mida inay isla soo qaadeen sidii Itoobiya uga gacan siin lahayd Maamulka Jubaland la dagaalanka Alshabaab.
Shirka waxaa sidoo kale looga hadlay isu socodka dadka iyo gadidika marka la eego dhanka xuduud beenaadka u dhexeeya Somalia iyo Itoobiya walow shaqadaasi ay leedahay Dowlada Somaaliya.
Kulankaan wuxuu ku soo aadayaa xili khilaafkii u dhexeeyay Dowlada Somalia iyo Maamulka Jubaland uu isku badalay gacan ka hadal sababay dhimasho iyo dhaawac iyo maxaabiis laga qabtay dhanka Dowlada kadib dagaalkii doraad ka dhacay deegaanka raaskanbooni.
Si kastaba Lama cadeyn karo in Jubaland warsatay Itoobiya hub iyo saanad ciidabn iyo waliba garab istaag ku aadan dagaalka kala dhexeeya Dowlada Somalia oo dooneysa inay gabi ahaanba xukunka ka tuurto Axmed Madoobe oo ah madaxweynaha maamulka Jubaland.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Kulankaan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo khilaafka u dhaxeeya Jubbaland iyo dowladda Fedaraalka uu gaaray inuu dhexmaro labada dhinac dagaal khasaare geystay oo ka dhacay deegaanka Raaskambooni.
Ugu dambeyntii Jubbaland iyo Itoobiya ayaa horay dhowr jeer sidaan oo kale uga wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin sidii Al-shabaab looga xureyn lahaa deegaanada maamulka Jubbaland oo ka mid ah meelaha ay wali ku xoogan yihiin Ururka Al-shabaab.