MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa Galabta Garoonka Wiish Stadium lagu ciyaarayaa ciyaaro ka tirsan tartanka Kubbadda kolleyga degmooyinka Gobolka Banaadir ee sanadkaani 2025.
Galabta waxaa la ciyaari doonaa 2 kulan oo ay isku arki doonaan 4 degmo kuwaasoo kala ah Shibis,Kaxda,Waaberi iyo Wada-jir.
kulanka hore oo bilaaban doona 2-da duhurnimo waxaa isaga hor iman doona labada Degmo ee kala ah Shibis iyo Kaxda.
Sidoo kale ciyaarta danbe ee blaabaneysa 4-ta galabnimo ama 10-ka saac waxaa isaga hor iman doona Waaberi iyo Wada-jir.
Ciyaarta kubada koleyga oo ah tan labaad ee loogu xiisa badan yahay Somalia ayaa waxaa garoonka Wiish aad u soo buux dhaafiya taageerayaasha jecel ciyaarahaasi kuwaasoo dhinacyada la kala safan.
Shalay DegmadaShinigaani ayaa ka badisay dhigeeguul ka gaartay dhiggeeda Dayniile. Tartanka Kubbadda kolleyga degmooyinka G. Banaadir 2025.
XAFIISKA WARARKA CIYAARAHA
DAYNIILE.COM.COM