Waxaa Caawa oo Arbaco soo galaysa dhaceysa laba kulan oo ka tirsan Kulamada Wareega 8 dhamaadka ee Champions League-ha kasoo ay isaga hor iman doonaan Arsenal iyo Real Madird.
Sidoo kale kulanka kale ee isna adag waxaa isaga hor imaan doona koxoaha Bayern München iyo Inter Milan.
Arsenal iyo Real Madrid waxaa isugu dambeysay kulan nuucaan oo kale ah mudo 19 sano ka hor, balse caawa ay is qaabilayaan ku dhawaad rubac qarni kadib.
Labadaan kulan ayaa noqonayaa kuwa ugu adag ee wareega sideed dhamaadka tartanka champions league-ha sanadkaan 2025.
Ciyaarahaan waxay soo geli doonaan 10-ka ama 4-ta saac ee caawa insha Allaah.
XAFIISKA WARARKA CIYAARAHA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM