Mas’uuliyiin iyo xubno sare oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo maalmahaan wadanka Shiinaha u joogay shirar iyo aqoon isweydaarsi la xiriira isbedelka iyo sida dowladahu u sameyn karaan horumar ayaa lagu soo gabagabeeyey magaalada Beijing.

Kulamadan gaar gaarka ah oo u dhaxeeyey Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa waxaa barbar socday aqoon kororsi la xiriira sida dalalka soo koraya wax uga baran lahaayeen jidka Shiinaha u soo maray horumarka ay ka gaareen dhinacyada dhaqaalaha iyo Tiknoolajiyadda.

Advertisement

Wafdiga Dowladda Soomaaliya waxaa hogaaminayey Agaasime xigeenka Madaxtooyada Qaranka mudane Maxamed Amiin Sheekh Cismaan iyadoo ay xubno ka yihiin La-taliyaha sare ee Madaxweynaha ee arimaha Dastuurka, Dr. Xuseen Sheekh Maxamuud iyo xubno kale

Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa xiriirkoodu haatan gaaray meeshii ugu sareysay, taas oo sii xoojisay safarkii taariikhiga ahaa ee uu Madaxweynaha JFS todobaadkii hore ku tegay Beijing.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here