Muqdisho September, 05, 2024: Kusimaha madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ku guuleystay inuu xaliyo kala aragti duwanaansho soo kala dhex gashay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kuwaas oo kasoo kala jeeda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Gobolka Banaadir.
Kusimaha madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xildhibaanadan kulankii ugu dambeeyay maanta la qaatay ayaa marka kulanka uu soo gaba gabeeyay waxa ay si wadajir ah ula hadleen warbaahinta.
Xildhibaan Yuusuf Geelle Ugaas iyo Senator Siciid Siyaad Shirwac ayaa Xildhibaanadda kasoo jeeda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ka uga garaabay falcelintii ay la kulmeen iyo sida loo fasiray hadal ay horey uga sheegeen warbaahinta.
Xildhibaan Dr. Cabdirashiid Maxamed Nuur Jilley oo ku hadlayay magaca xildhibaanadda kasoo jeeda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in dhankooda ay raali gelinta ay ka aqbaleen dhigooda ay kala aragti duwanaantu ka dhaxeysay islamarkaana laga wada shaqeeyo dowladnimada Soomaaliyeed iyo in meel looga soo wada jeesto cadowga umadda Soomaaliyeed.
DHAMMAAD.
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir:
Ibrahim Gudle Isak
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Advertisement