Ugu yaraan 4 qof oo isku qoys ah ayaa ku dhintay, halka lix kalena ay ku dhaawacmeen duqeyn ka dhacday miyiga deegaanka Ceel Adax oo ku yaalla buuraleyda degamada Qandala ee Gobolka Bari.

Guddoomiyaha degmada Qandala Axmed Yuusuf Quurshe oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dadkaas oo isugu jiray 3 dumar ah oo midi ahayd hooyadii qoyska iyo ilma yari ay duqeynta ku geeriyoodeen, asagoo tacsi u diray eheladii xubnaha dhintay.

Advertisement

Guddoomiyaha ayaa sheegay in duqeyntaas oo bartilmaameedkeedu ahaa goobaha ay ku suganyihiin kooxda Daacish si aan ku talo-gal ahayn qoyskaas dhibaatadu uga gaartay, wuxuuna intaas ku daray in dadkii weerarkaas ku dhaawacmay awr lagu soo qaaday maadaama aanay gaadiidka dhulkaas mari karin jidad xumida awgeed.

Duqeymaha lala beegsanayo kooxaha Daacish iyo Al-shabaab ayaa mararka qaar dhibaato ka soo gaartay dadka rayidka ah ee meelaha la bartilmaameedsanayo ka ag dhow.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here