whitebackground600
HomeWarkiiku dhawaad 300 caruur ah oo Gaza lagu dilay

ku dhawaad 300 caruur ah oo Gaza lagu dilay

GAZA (DAYNIILE.COM)-Israa’iil ayaa sii wadda duqeymaha Gaza maalinti siddeedaad oo xiriir ah, iyadoo ugu yaraan 23 qof ay ku dishay weraro waaberi ah oo ay ku jiraan toddobo carruur ah.

Hay’adda Save the Children ayaa sheegtay in in ka badan 270 carruur ah la dilay toddobaad gudihii tan iyo markii Israa’iil ay dib u bilowday weerarrada ay ku hayso Qaza, taas oo calaamad u ah qaar ka mid ah “maalmihii ugu dhimashada badnaa ee carruurta tan iyo markii uu dagaalku bilaabmay”.

Sidoo kale waxaa sii kordhaya carada ka dhalatay dilka ay Israa’iil ku dishay weriyaha Aljazeera Hossam Shabat ee Gaza iyo xarigga filim sameeye Hamdan Ballal oo ku guuleystay abaalmarinta Oscar ee Daanta Galbeed ee la haysto.

Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in ugu yaraan 50,144 falastiiniyiin ah la xaqiijiyay inay dhinteen 113,704 kalena ay ku dhaawacmeen dagaalka Israa’iil ee Gaza.

Xafiiska warbaahinta ee dawladda Gaza ayaa cusboonaysiiyay dhimashadeeda in ka badan 61,700, isaga oo sheegay in kumanaan Falastiiniyiin ah oo lagu la’yahay burburka hoostiisa loo malaynayo inay dhinteen.

Ugu yaraan 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu guda jiray weerarradii ay Xamaas hoggaaminaysay 7-dii Oktoobar, 2023-kii, in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.

SOURCEALJAZEERA
DAYNIILE.COMOpen photo

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -