Warar ka soo baxaya gobolka Amxaarada ee Waqooyiga Itoobiya ayaa sheegaya in wabiga Tekeze ee mara xadka Itoobiya iyo Eritrea ay ku geeriyoodeen dad  badan kadib markii dooni la qalibantay.

Ugu yaraan 19 qof ayaa ku geeriyooday shilkaasi sida ay xaqiijiyeen warbaahinta Itoobiya,waxaana shilka ka bad-baaday 7 ruux madaama ay doontu soo qaaday 26 ruux.

Advertisement

Warbaahinta Gobolka Amxaarada ayaa laga soo xigtay in la helay meydadka 2 ruux,sidoo kale warbaahintaasi ma faahfaahin hadii Dowladu gurmad soo sameysay iyo inkale madaama gobolkaasi colaado ka jiraan.

Gobolka Amxaarada waxaa isku haya milatariga Dowlada Itoobiya iyo jabhada Amxaarada ee Fano loo yaqaan, waana goob colaad mudo soo jirtay ay ka taagan tahay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here