HARGEYSA (DAYNIILE.COM)-Sida ay sheegtay Idaacada VOA-da laanteeda Afka Soomaaliga ku dhawaaq 100-kun qoys ayaa ka barakacay degaano ka tirsan dhulka Maamulka Soomaalida Waqooyi ee Somaliland.

Wasaaradda Deegaanka maamulka Somaliland ayaa laga soo xigtay in dhibaatooyin ka dhashay isbaddalka cimmilada dartood ay sababeen baarakaca kumanaankaasi qoys.

Advertisement

Wasaaradda  Deegaanka Maamulka Somaliland waxay diiwaan gelisay in Somaliland ay ku sugan yihiin 74,000 oo qoys oo barakac ah.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in qoysas-ka soo barakacay u badan yihiin kuwii awalba ahaa xoolaleyda iyo beeraleyda madaama isbadalka cimiladu ay saameyn ku yeesheen dhibaatada isbadalka Cimilada.

Qoysaskii xoola dhaqatada iyo xoolaleyda gaar ahaan caruurta iyo haweenka ayaa u soo barakacay dhanka Magaalooyinka si ay nolol u helaan madaama xoolahoodii dhamaadee ama beerahoodii baaba’een.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

 

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here