Guddoomiye ku xigeenka degmada Xarardheere ee gobolka Mudug Mudane Maxamed Abshir Jiirow ayaa Warabaahinta Qaranka u sheegay in 7 kamid ah Khawaarijta ay maanta isku soo dhibeen Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ka howlgala aagga degmada Xarardheere.
Dhallinyaradaan ayaa markii la wareystay waxay sheegeen inay u adkeysa waayeen duqeymaha iyo weerarrada tooska ah ee Ciidamada Xoogga Dalka iyo shacabka deegaanada Galmudug ay kala kulmeen, isla markaana ay go’aansadeen inay isku soo dhiibaan dowladda.
Advertisement