MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Ciidamada Booliiska Gobolka Banaadir ayaa gacanta ku soo dhigay kooxo tooreey ku hubeysnaa oo dadka shacabka ah ka dhacaayayay Mobile gacmeedyadooda.
Kooxahaha burcad ah oo ahaa laba nin ayaa laga soo qabtay Degmada Waabari ee Magaalada Muqdisho xili ay ku guda jireen dhaca dadweynaha markaasoo ay wateen mooto Bajaaj.
Burcadaan oo hada ku jira gacanta Hay’adaha amniga Dowlada ayaa lala soo qabtay hantidii ay dhaceen waxaana lagu wadaa in sharciga la hor geeyo.
Booliska ayaa sheegay in dadkii ay taleefoonada ka dhaceen ay deg deg u war-geliyeen booliska, taasi oo fududeysay in raggaan lagu soo qabto howlgal ay fuliyeen
Ciidamada ka howlgala saldhigga booliska ee degmada Waaberi ayaa degdeg u howlgalay soona qabtay kooxaha burcad ah markii ay wragelin ma heleen shacanka taasoo sahashay howlgalka burcada lagu soo qabtay.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM