Saakay aroortii ayaa koox hubeysan oo kasoo jeeda deegaanka Wabxo waxay weerar gaadmo ah ku qaadeen qoys kasoo jeeda Guriceel oo daganaa inta u dhexeysa deegaanada Ceel-Yaasiin iyo Ceel-baxaay.

Weerarkan ayaa sababay dhimashada laba qof, oo midkood dumar ahayd, halka gabadh yar oo ka mid aheyd qoyska ay ku dhaawacantay.

Advertisement

Lama oga sababta rasmiga ah ee weerarkan, hase yeeshee, waxaa la tuhunsan yahay inuu salka ku hayo colaado beeleed.

Maamulka deegaanka iyo waxgaradka ayaa la filayaa inay ka hadlaan dhacdadan, iyagoo dadaal ugu jira sidii loo xallin lahaa xiisadaha ka dhalan kara.

Dableyda hubeysan oo markii horaba ka yimid deegaano ay ka taliyaan Shabaab ayaa halkaasi dib ugu laabtay.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here