CHAMPIONS! Man City Oo Rikoodh Aan Waligeed La Qorin Dhigtay Xilli Ay Ku Guuleysteen Horyaalka Premier League

Kooxda Manchester CIty ayaa markii 4-aad oo xiriir ah ku guuleysatay Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League  kadib markii Caawa maqribkii la ciyaaray kulamadii ugu danbeeyay ee tartankaasi marka la eego saacada geeska Afrika.

Advertisement

Sidoo kale waxaa kaalinta labaad ku dhameystay Arsenal oo ahaa naadigii kula tartamaayay Man city horyaalka madaama ay wada adkaadeene waxaa hore laba dhibcood u sareeyay Man City.

Dhanka tartanka Horyaalada Yurub ee Champions League waxaa Dalka Ingiriiska uga qeybgeli doona afarta kooxood ee kala ah:-

Manchester City oo Horyaalka qaaday oo leh 91 dhibcood.

Arsenal oo kaalinta labaad ku dhameysatay oo leh 89 dhibcood.

Liverpool oo kaalinta sedexaad ku dhameysatay oo leh 82 dhibcood.

Astonvila oo kaalinta 4-aad ku dhameysatay oo leh 68 dhibcood.

Sidoo kale tartanka Europa League waxaa Ingiriiska uga qeybgeli doona sedexda kooxood ee kala ah Tottenham,Chelsea iyo Newcastle United.

Dhanka kale kooxaha heerka labaad waxaa u laabtay sedexda kooxood ee kala ah Sheffield United, Burnley iyo Luton Town.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here