AADAN YABAAL (DAYNIILE.COM)-Dagaalkii cuslaa ee saaka Alshabaab ku soo qaadeen Degmada Aadan Yabaal ayaa ugu dambeyn waxaa magaalada la wareegay kooxda Alshabaab kadib labo sano oo ay gacanta Dowlada ku jirtay.
Dagaalkaan oo aad ugu adkaa ayaa la soo sheegayaa inuu sababo khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh markii la isku riiqamay dagaalka wax kasta la isu adeegsaday.
Kooxda Alshabaab waxay isaga yimaadeen meel kasta ay jireen iyagoona xooga saaray sidii ay ula wareegi lahaayeen Magaalada Aadan Yabaal oo ah halka saldhiga u aha howlgalka ka socday shabeelaha dhexe.
Taliyaha ciidamada Xooga dalka ayaa dagaalkaasi la sheegay inuu goob joog ka ahaa uu hogaaminayay.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM