ADIS ABABA (DAYNIILE.COM)-Wararka  laga helaayo Magaalada Adis-ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa sheegaya in ciidamada Booliisku qabteen koox si xiradeysan u dhici jirtay dadka adeegyada ka raba Dowlada Itoobiya.
Kooxdaan oo ka kooban 3 nin iyo hal dumar ayaa waxaa lala soo qabtay gaari ay adeegsan jireen marka ay dadka dhacayaan iyo qaar ka mid ah lacagihii ay dadka sida farsameysan ku dhaceen.
Kooxdaan waxay iska dhigaan kuwa dadka addeeg siinaya taasoo u sahleysa inay dadku sidaas lacago u siiyaan si ay ugu fududeeyan.
Hay’adaha amaanka ayaa ugu dambeyn kooxdaan ku soo qabtay markii ay qof dhakhtar u socday lacag uga qaateen inay u adeegayaan sida lagu shaaciyay warbaahinta laga leeyahay Dowlad deegaanka Soomaalida kuwaasoo la baxay Voss.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of 4 people and beardMay be an image of money and ticket stubMay be an image of car and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here