=XIGASHO BBC SOMALI=
Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxa ka socda dadaallo la doonayo in xal waara loogu helo amni xumo baahsan iyo khilaaf dhinaca maamulka ah oo muddaba ka taagnaa gobolka.
Jid gooyooyin sharcidarro ah ayaa waxaa dhigtay miliishiyo hubeysan oo kala sheeganaya in ay hoos tagaan maamullo is diidan oo gobolka ka jira, taas oo saameyn xun ku yeelatay dadka deggan gobolka iyo kuwa safarka ah.
Taliyayaasha Milatariga iyo sirdoonka Soomaaliya oo ay wehliyaan wasiirro iyo xildhibbaanno ka tirsan dawladda federaalka ayaa kulamo aan loo kala kicin ka wada magaalada, si ugu dambeyn loo soo gabagabeeyo mushkilladda muddada dheer halkaas ka jirtay.
Xubnaha dawladda ee halkaas jooga waxa kamid ah xildhibaan Cabdiraxmaan Axmed Cusmaan (Gureey) oo kamid ah xildhibaanadda laga soo doorto gobolka Hiiraan, wuxuuna BBC- uga warramay hawlaha Beledweyne ka socda isagoo sheegay in markii hore wafdi ka socda dowladda federaalka oo isugu jira wasiirro iyo xildhaabo iyo taliyeyaal ciida ay Beledweyne u yimaaden xallinta dhibaatadii ka dhacday Ceel Baraf ee lagu laayey ciidamo ka tirsan kuwa milateriga, taas oo dadaal badan kadib lagu guuleeystay in la xalliyo, kadibna loo gudbay wejiga labaad.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Axmed Cusmaan (Gureey) ayaa sheegay in magaalada ay ka jiraan dhibaatooyin badan oo ku saabsan dhanka amniga sidaasi darteedna in arinkii amniga wax laga qabto oo aan laga tagin in ay hadda u joogaan.
Arrinta amni darada waxaa ku lamaan maamul xumo ka jirta magaalada taas oo saameeyn badan ku yeelatay magaalada, iyad oo magaaladu ay ka mid ahayd magaalooyinkii Soomaaliya ugu faca weynaa iyada oo magaalada ganacsigeeda uu uu kala goosho afarta jiho sida uu sheegay Xildhibaan Cabdiraxmaan Gurey oo intaasi ku daray in ay saameyn culus ay ku yeelatay. ” maantay magaalada waxa lagu tilmaami karaa magaalo aysan wax dhaq-dhaqaaqyo ah aysan ka jirin”.
Wafdiga dowladda ee soo gaaray magaalada ayaa shirar aan loo kala kicin la lahaa qeybaha kala duwan ee buulshada taas oo xal loogu raadinayo in wax looga qabto dhibaatooyinka amni ee magaalada.
Xildhibaan Gurey oo ka hadlayey xalka waxa uu yahay ayaa sheegay in xalku uu fudud yahay isagoo sheegay in dadka halkan deggan ee reer Hiiraan ay qabaan tabasho ku saabsan qaabka dhismihii Hirshabeelle sideed sano ka hor loo dhisay, tabashadaas jirta ayaa dhibaatooyinka qeyb ka ah iyadoo dad ka mid ah dadkii Alshabaab la dagaallamay oo hubeysan ay magaalada ku sugan yhihiin.
“Tabashada haddii la xalliyo dadkaasna loo jiheeyo la dagaallanka Alshabaab magaalada amnigeeda inta la sugo, gogol nabadeed la dhigo oo dadku ay ka dhaxeeyso arrimaha dowlad goboleedku ay iskugu yimaadaan xal waarana laga gaaro” ayuu yiri.
Dhanka kale Taliyeyaasha milateriga iyo Nabadsugida , Generaal Odawaa yuusuf Raage iyo Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbalooshe ayaa dalbaday in xarumihii dowladda gaar ahaan kuwa ciidamada lagusoo wareejiyo gacantooda si ay amniga u sugaan . Mar aan xildhibaan Gurey weeydiinay dalabka taliyaasha ayuu sheegay in ay howshaasi socoto oo meel wanaagsan ay mareyso.
“Waad qiyaasi karta labadii nin ee ugu sareeyay amniga iyo milatariga soomaaliya ayaa muddo usbuuc ku dhaw ku sugan magaaladan waxa ay ka shaqeynayaana waa amniga magaalada iyo in ay xarumihii dowladda ee ay iyagu si gaar ah u lahaayeen ay la wareegaan” ayuu yiri.