KISMAAYO (DAYNIILE.COM)-Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa soo saaray amar ay ku mamnuuceen niqaabka ama indha-shareerka iyadoona loo digay dumarka isticmaala inay soo qaataan wixii hada ka danbeeya.

Taliska Booliska Magaalada Kismaayo ayaa shaaciyay qofkii lagu arko niqaamka ay talaabo ka qaadi doonaan oo xabsigana dhigi doonaan

Advertisement

ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegay in ay xabsiga dhigi doonaan ama ganaaxi doonaan haweenayda lagu qabto iyada oo xidhan niqaab ama indhashareer,

Maamulka ayaa u sababeeyay mam-nuucida niqaabka cabsi laga qabo in Alshabaab ku soo dhex dhuuntaan dumarka islamarkaana ay weeraro ku gaystaan.

Sarkaal u hadlay Booliiska ayaa sheegay in maamulmihii ugu dambeeyay ay aruuriyeen boqolaal indha-shareer oo ganacsi ahaan suuqyada u yaalay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

indha shareerka | qurbejoog.com

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here