Waxaa soo baxaya warar sheegaya inuu jiro khilaaf aan wali banaanka iman oo soo kala dhex-galay Xukuumada Faderaalka Soomaaliya iyo Maamulka Hirshabelle kaasoo salka ku haya arimo dhaqaale.

Wararka ayaa tilmaamaya in Xukuumada uu hogaamiyo Ra’iisulwasaare Xamze ay dhawaan faregelin ku sameysay mashruux ku kacaya 250 Milyan Doolar kaasoo Madaxweynaha Hirshabelle uu ka soo dhameystay hay’ado dhowr ah inay ka fuliyaan Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulkiisa.

Advertisement

Mashruucaan oo ah mid biyo xireeno iyo kanaalo looga sameeyo webiga Shabeelle ee mara gobolka Sh.dhexe gaar ahaan Magaalada Jowhar .

Mashruucaan waxaa la sheegay in guud ahaan ay ku baxeyso lacag dhan $250 Milyan taasoo uu mudo uu ka soo shaqeynayay Madaxweynaha Hirshabelle Cali Xuseen Guud-laawe balse waxaa soo dhex galay oo faragelina ku sameeyay Xukuumada Ra’iisulwasaare Xamze iyagoona ugu danbeyn ku guuleystay inay Cali Guud-laawe kala wareegaan mashruucaan oo toos loo hoos-geeyo Dowlada Somalia halkii markii hore hey’aduhu ogolaayeen in Cali Guud-lawe looga danbeeyo.

Sida qorshuhu ahaa Waxaa mashruuca fangareynaya  labada Hay’adood ee laga kala leeyahay Britain iyo USA kuwaasoo kala ah  USAID iyo UKAID.

Sidoo kale waxaa fulinta la siiyay hay’adaha kala ah FAO, IOM, UNIDO, UN Habitat, UNEP. 

Wararka waxay intaasi ku darayaan in howshaan oo dhan uu ka danbeeyay Axmed Nuur Uleex oo ka tirsan Xafiiska Ra’iisul-wasaare Xamze sidoo kalana qaraaabo dhaw la ah.

Wasiirka Beeraha Maxamed Cabdi- Xayir Maareeye ayaaba la leeyahay inuu isaguna kala shaqeeyay masuulkaasi sidii mashruuca xukuumada loogu soo wareejin lahaa wayna ku guuleysteen.

Madaxweyne Cali Guud-laawe ayaa lagu wadaa inuu dhawaan si caro leh uga hadlo arintaan ay isku hayaan isaga iyo Dowlada walow uusan wali ka hadlin balse wuu la socdaa in mashruucii uu watay la hoos geeyay xukuumada Xamze Cabdi-Barre.

Is faham darada ama khilaafka ka dhashay mashruucan wali maaha wax banaanka yaal balse waxaa macquula inuu muranka uu banaanka yimaado hadii Cali Guud-laawe warbaahinta la wadaago xurguftaan cusub.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here