Khilaaf cusub oo soo kala dhax galay Guddoomiye Amiir iyo Ciise Guure

Sida aan ku helay xogo lagu kalsoonaan karo khilaaf ayaa soo kala dhax galay guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir Maxamed Amiir iyo kuxigeenkiisa Ciise Guure, kaddib markii guddoomiyaha qaaday tallaabo ka careysiisay Ciise Guure.

Advertisement

Guddoomiye Amiir ayaa agaasimaha Qasnajiga ee maamulka gobolka u magacaabay gabar lagu magacaabo Xamdi, oo bilooyin kahor uu xilkaasi ka qaaday Yuusuf Madaale, waxaana xilkaasi loo magacaabay xilligaasi nin kale uu watay Ciise Guure.

Magacaabista iyo xil ka qaadista uu sameeyay guddoomiye Amiir , ayaan lagala tashan Ciise Guure oo xafiiskiisa hoostago Qasnajiga , sidoo kale beel ahaan waxaa jagadan iska leh beesha uu kasoo jeedo Ciise Guure kuna matelo gobolka.

Sida aan xogta ku helnay in Xamdi loo soo celiyo boosleedii hore oo sannado badan ka shaqeeneysay waxaa ka shaqeeyay agaasime Mustaf Dhuxulow oo saaxiibo hoose yihiin guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir.

Ciise Guure ayaa la sheegay in uu dacwo ugu tagay Madaxweyne Xasan Sheekh, balse waxaa loo sheegay Ciise in uu la shaqeesto ninka ka sareeya uuna joojiyo dacwada badan, waxaana suurto gal ah in Ciise markan kamid noqdo guddoomiye kuxigeennada la filayo in dhawaan xilka laga qaado.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here