RA’IISULWASAARIHII HORE HASAN ALI KHEYRE
Waxaan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa munaasabadda qiimaha badan ee 26ka Juun oo ku beegan sanadguurada 64aad ee ka soo wareegatay maalinkii ay Gobollada Waqooyi xurnimada ka qaateen gumeystihii Ingiriiska.

26ka Juun waa maalin taariikhi ah oo aan dib u xusuusanayno sooyaalkeenna, annaga oo isha ku hayna mustaqbalkeenna. Waa maalin aan xusuusanayno halyeeyadii u soo halgamay in ay dadkeenna iyo dadkeenna ka dulqaadaan heeryadii gumeysiga.

Xornimada Gobollada Waqooyi waxa ay astaan u tahay midnimada Soomaaliya oo ay horseed u ahaayeen. Waxaan madaxda Dowladda Federaalka iyo Somaliland ku boorrinayaa in dib loo bilaabo wadahadallada, si loo xaqiijiyo himillada halyeeyadii soo hooyay guushan taariikhiga ah.

Mar kale hambalyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed.
MADAXWEYNIHII HORE XIL.SHARIIF SHEEKH AXMED
Waxaan dhamaan umadda Soomaaliyeed ugu Hambalyaynayaa munaasabada 26ka Juun oo ku beegan 64 guuradii kasoo wareegtey markii ay Gobolada Waqooyi Xorriyada ka qaateen Gumeystihii Ingiriiska islamarkaana ah markii u horeysey oo calankeena laga taagey dhul Soomaaliyeed oo xor ah.

Dadaalkaas dheer iyo halgankii xornimo doonka waxa xasuusin mudan in walaalaha reer waqooyi kaalin mug leh ay ku lahaayeen, waxay u hureen dhiigooda, libta 26ka juun, iyaga ayaana si gaar ah ugu suntan.

Waxaan mudan in aan dadaalkii ay ku baxsheen xornimada iyo midowga mid u dhigma aan si wadajir ah aan ku bixino xalinta tabashadooda.

MADAXWEYNIHII HORE XILDHIBAAN FARMAAJO
Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo aad joogtaan waxaan idiin ku hambalyaynayaa xuska qiimaha badan ee 26-ka Juun oo ku aaddan 64-guurada ka soo wareegtay xorriyadda gobollada Waqooyi ee dalka.
Todobaadka Xoriyadda waxaa waajib ah in uu inoo horseedo midnimo, xoojiyana walaalnimada dhexdeenna ah, sidaas awgeed waxaan ku baaqayaa in la joojiyo colaadaha sokeeye ee maanta ka aloosan gobollo badan oo ka tirsan dalka.
Malaayiinta Soomaaliyeed ee ku nool gobanimada iyo xornimada waxaan ugu baaqayaa in ay u duceeyaan halgameyaashii inoo horseeday qarannimada, kuwaas oo ay ugu horreeyaan dhaq-dhaqaaqyadii dhallinyarada Soomaaliyeed ee u midoobey xoreynta dalka, iyaga oo ka fogaaday qabyaalad iyo eex.
Hambalyo, sannadkan kiisa Alle ha ina ku gaarsiiyo nabad iyo barwaaqo.
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here