BOOSAASO (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo dhanka Puntland ayaa sheegaya in qarax maanta ciidamada Puntland lala eegtay ay sii kordhayaan khasaaraha dhimashada ee qaraxaasi uu sababay.

Qaraxa oo lala eegtay gaari cabdi-bile ah ayaa ka dhacay deegaanka Xableey ee gobolka Bari waxaana la soo warinayaa inay ku dhinteen ilaa 13 askari .

Advertisement

Maleeshiyaadka Daacisha ayaa la sheegay inay ka dambeeyeen madaama maalmihii ugu dambeeyay ciidamada Puntland ay dagaalo kula jireen kooxdaadi islamarkaana inta badan aagagoodii laga saaray kooxda Daacisha.

Masuuliyiinta Maamulka Puntland wali si rasmi ah ugama hadlin weerarkaani qaraxa loo adgeegsaday ee ciidamada badan ay kaga dhinteen kuwaasoo qaarkood dhaawacyo soo gaaray ugu geeriyoodeen isbitaalada.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here