GAALKACYO (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Galbeedka Gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi xaaladeedu maanta yara degan tahay oo dagaalkii weynaa ee shalay uu hakaday.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in shalay labada Maleeshiyo isu adeegsadeen gaadiidka dagaalka xili ay gurmadyo kala helayeen labada beelood ee Sacad iyo Layl-kase oo isku haya dhul u dhexeeya Saaxa-qurun iyo Goldogob.
Sida BBC-du sheegtay shalay labada dhinac waxay iska dileen dad ka badan 10 ruux halka dhaawacyaduna 50 gaarayaan kuwaasoo goobaha cafimaadka la gaarsiiyay.
Wararka saaka laga helaayo aagagii lagu dagaalamay ayaa sheegaya in maleeshiyaadka labada beelood ay is hor fadhiyaan islamarkaana ay mararka qaar rasaas goos goos ah is dhaafsanayaan.
Dhanka kale Magaalada Gaalkacyo oo labadeeda dhinac ay ka kala taliyaan abada Beelood ee dagaamaya ayaa waxaa hada ka socda fadhiyo la sheegay inay waxgaradka iyo masuuliyiint Labada maamul ee Puntland iyo Galmudug ay ku doonayaan in lagu xaliyo laguna joojiyo colaadka walaalaha dariskana ah.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here