MAYOTE (DAYNIILE.COM)-Ugu yaraan 11 qof ayaa dhimatay kadib markii duufaanta Chido ay ku dhufatay jasiiradaha Mayotte, waana duufaantii ugu darneyd ee ku dhufata jasiiradaha Faransiiska muddo 90 sano ah, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Jaziiradaasi.
Way adkeyd in la xaqiijiyo tirada saxda ah ee dhimashada ka dib duufaanta, taas oo sidoo kale kor u qaaday welwelka ku saabsan helitaanka cunto, biyo, iyo fayadhowr, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Axada maanta ah.
Saadaasha cimilada Meteo France ayaa sheegtay in duufaantu ay ku dhufatay jaziirada Mayote oo hoos tagta dhulka Faransiiska ee badweynta Hindiya, taasoo keentay dabaylo in ka badan 200km/h (124mph) waxayna waxyeello u geysatay guryo ka sameysan cooshado, dhismayaal dowladeed iyo isbitaal.
“Qof walba wuu fahmayaa in tani ay ahayd duufaan si lama filaan ah ku timid” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha Faransiiska Francois Bayrou mar uu la hadlaayay y suxufiyiinta ka dib kulan fiidnimadii sabtidii ay yeesheen wasiirrada.
Waxay ku dhowdahay 8,000km (4,970 mayl) oo u jirta Paris, safar afar maalmood ah oo dhanka badda ah oo ay kaga timid Faransiiska, Mayotte aad ayay uga liidataa dalka intiisa kale waxayna la daalaa dhacaysay rabshado iyo qalalaase bulsho muddo tobanaan sano ah.
SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM